Monday, May 20th, 2013

Golaha Wasiiradda Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda

Published on December 6, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Daalacatay :38

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiha iyo amniga

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaaka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.

Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.

Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.

Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.

Wixi talo Dhalil Ama Cabasho Ah Nogu So Hagaji

Email;Luuqcapital@gmail.com

Xafiska Warqabadka Luuqcapital.com

Muqdisho SOMALI

 

Share

Readers Comments (0)




BOQORTOOYADA LUUQ

shacabka shabeelada

Shacabka Shabeelada hooose oo soo dhoweeyey.

Hambalyo Jubbaland State!..Ceeb Caleykum Dowladda Xasan Shiikh! Markacadeey.net Gabayga yeeraaya, Guuxaan Baxaaya Iyo Gurbaankaan Ow Axmed Madoowaa Lagu Guurihaayee, Aa lagu Guurihaayee! Jubbaland ...
igad

Wefdi sare oo ay hogaaminayaan Xoghayaha guud ee ururka IGAD, Jen Gabre iyo Safiirada dalalka ku bahoobay IGAD oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa saaka caasimada dalka Soomaaliya ee muqdisho soo gaaray wafdi kasocday urur goboleedka IGAD waxaana hogaaminyay Maxbuub Macalin ...
breakin news 5

WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNIHII 5aad EE JUBALAND OO GALABTA NOQDEY NIN KA SOO JEEDA DIGIL IYO MIRIFLE

Degmada Afmidow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa manta gelinkii dambe waxaa mar kale loogu dhawaaqey Madaxweynihii 5aad ee ...
heerow

DHAGAYSO: Pro Heerow: Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale Asal ahaan ma ahan Reer Kismaayo ee..

Mudo yar kadib markii magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Madoobe loona dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland sidoo kalana Barre Hiiraale ...
Baydhabo4

Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya goordhow halkaasi inuu ka dhacay Qarax xooggan ...
ganaane3

MADAXWEYNIHII GANAANE STATE OO MARKALE LAGU CALEEMA SAAREY BAYDHABO MAANTA

Madaxweynaha Ganaane State Nuur Maxamed Macalin ayaa caawa mar kale loo caleema saarey Baydhabo Inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ...
sunah

War deg deg ah: Dhagayso:- Xoghaya Ahlusunna “Kismaayo Digil iyo Miriflaa iska leh, Shirkana kuma jiran

Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere Xoghaya Ururka Ahlusunna ee gobolada  Koonfureed ayaa sheegay shirka ka soconaya Magaalada Kismaayo inuu ...
gun

ABAABULKA SANAD GUURADII 14AAD RRA OO KASOCOTA BAYDHABO

Golaha Aqoonyahanada ee Koonfurta Soomaliyeed ee Digil iyo Mirifle iyo Saraakiisha Ururka RRA ayaa yeeshey kulan loogu hadleyey ...