Jen, Maalin; Xog Dhab Ah Ayaan Ka Hesana Meelahi Laga Soo Tuuray Madaafiicdii Habeen Hore”
Published on December 6, 2012 by luuqcapi · No Comments
Waxaa Daalacatay :43
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan kooxihii habeen hore madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii Madaafiicda looga soo tuuray.
Kadib howlgal ay ciidamadu wadeen shalay ilaa xalay ayaa taliyaha Booliiska Gobolka banaadir Jen. Axmed xasan Maalin ayaa warbaahinta Luuqcapital.com u sheegay in xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo tuuray.
“Xaafada Gubta ayaa madaafiicdii habeen hore laga soo tuuray, waxaana soo tuuray kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya kana tirsan nabad diidka gacanta ayaana ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Maalin.
Jen Maalin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay heleen qolofyadii madaafiicda la tuuray habeen hore, waxaana uu carrabka ku adkeeyay iney xoojindoonaan ammaanka casimadda.
Xafiiska Warqabadka Luuqcapital.com
Muqdisho Somalia
Share
BOQORTOOYADA LUUQ
Hambalyo Jubbaland State!..Ceeb Caleykum Dowladda Xasan Shiikh!
Markacadeey.net
Gabayga yeeraaya, Guuxaan Baxaaya
Iyo Gurbaankaan Ow Axmed Madoowaa
Lagu Guurihaayee, Aa lagu Guurihaayee!
Jubbaland ...
Waxaa saaka caasimada dalka Soomaaliya ee muqdisho soo gaaray wafdi kasocday urur goboleedka IGAD waxaana hogaaminyay Maxbuub Macalin ...
Degmada Afmidow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa manta gelinkii dambe waxaa mar kale loogu dhawaaqey Madaxweynihii 5aad ee ...
Mudo yar kadib markii magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Madoobe loona dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland sidoo kalana Barre Hiiraale ...
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya goordhow halkaasi inuu ka dhacay Qarax xooggan ...
Madaxweynaha Ganaane State Nuur Maxamed Macalin ayaa caawa mar kale loo caleema saarey Baydhabo Inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ...
Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere Xoghaya Ururka Ahlusunna ee gobolada Koonfureed ayaa sheegay shirka ka soconaya Magaalada Kismaayo inuu ...
Golaha Aqoonyahanada ee Koonfurta Soomaliyeed ee Digil iyo Mirifle iyo Saraakiisha Ururka RRA ayaa yeeshey kulan loogu hadleyey ...