Wednesday, September 17th, 2014

Saldanadii Gasaargude Iyo Dejintii Mareexaan Q-6aad

Published on August 10, 2011 by   ·   No Comments Waxaa Daalacatay :964

Wiilow waxaa loo soo musaafuriyey Soomaaliya, waxaa dowlada Masar danjire Soomaaliya ooga soo dhigatey Kamaalu-diin.

Caradii Wiilow waxaa ka faa’ideystey Leego oo ay u soo adeegsatey
Maxamuud Juuje, asagoo iska dhigaayo in uu ka xun yahay dhibka loo soo geystey ayuu yiri kii kaa soo ceyriyey jaamacadaada ayaa la keeney Soomaaliya ee waa waqtigaaga ka faa’ideyso, hadii aad dishana waxaan kuu balan qaadeynaa in lagu bad-baadiyo, tiina waa ay dhacdey Wiilow waa uu diley Kamaaludiin, waana la xirey soo deyn la soo daayo daayee habeenkii xornimada la qaatey ee aheyd 1-7-1960 subaxnimadeedii waxaa loo tagey Wiilow oo mayd ah kuna jirey meydkiisa qolkii uu xabsiga kaga jirey, waxaana dilkiisa loo adeegsadey afar qofood oo aad u xoog weynaa indhana ay u wada xirnaayeen maadaama uu Maxamad Sheekh C/raxmaan “Wiilow” ahaa qof aad u xoog weynaa, dhacdadana waxaa cadeeyey qof Majeerteen ah oo Wiilow la xirnaa lana yiraahdo Ducaale Aden Hirsi, waxaa xabsiga ka soo saarey SharC/rashiid Cali Sharmaarke loona musaafuriyey Garoowe oo ilaa iyo hada nool joogana Puntland, kaas oo uu u xirnaa dil uu soo diley nin carab Soomaali ahaa asagiina waa laga saarey xabsiga si loo dilo Wiilow, wuuna arkey dadkaas ay sidaas u galena feer ayey ku bilaabeen intii tabartiisa aheydna waa uu iska celiyey aakhirkiina waa tabar dhigey oo dhacay ka dibna cirbad ayey ku dhufteen oo wey sumeeyeen sidaas ayuuna ku dhintey.

. Dhacdada labaadna ay aheyd Halyeygii la oran jirey Macalin Cumar ahaana Gawaawiin, laguna yaqaaney cod karnimo, Geesi aan gaban oo had iyo jeerna u dooda xaqa qowmiyadiisa, raadinayeyna in uu mar un arko Qowmiyadiisa oo xor ka noqota Mahaatiri, dhulkooduna uu ku soo noqdo maamulkoodii hore.

Macalim Cumar waa la diley waxaana diley nin Marexaan ah oo la oran jirey Faarax Barey, waxaa soo direy nin la yiraahdo “Farataag” labadooduna waxay ahaayeen Mareexaan, oo ayna soo abaabuleen Leego “Mahaatiri”.

Ninkii waa la xirey isla habeenkii xornimada 1-7-1960 subaxnimadeedii markii xabsiga la tagey waxaa loo tagey asagoo meesha ku jirey waxaaba lala baxsadey habeenimadii, waxaana loo musaafuriyey dhinaca Itoobiya oo markii danbena Itoobiyaanka ay si xun u dileen ayagoo ku ridey laami kar-karsan, labadaas qof sidaas ayaa loo galey midna waa kan lagu diley xabsiga, kan kalena kii diley waa laga saarey xabsigii, sheekadooda oo dhameystirana waxa ay inoogu soo socotaa qoraaladeena dambe.

Hadaan u soo laabano xukunkii Garaad Axmed Caliyow wuxuu ku ekaa oo uu dhintey 1983, wuxuuna hayey 37 sano.
Ka dib waxaa xukunka la wareegey Garaad Aden Nuurow isla sanadkii 1983, Garaad Aden Nuurow wuxuu meeshii ka sii daadihiyey maamulkii soo jireenka ahaa, waxaana ku soo aadey wakhti aad iyo aad fool xun oo wadankii uu noqdey mid cadowgii uu lahaa toban jibaarmey oona loola dagaalamey si wuxuushnimo ah, dagaaladaasoo mid loo adeegsanaayey dowladihii soo wada marey Soomaaliya oo dhan laga soo bilaabo waqtigii xornimada la qaatey ilaa iyo hada oo lagu jiro dhul boobka ku aadan dhulka DigilMirifle.

Garaad Aden Nuurow nasiib daro marna fursad uma uusan helin sidii uu u soo celin lahaa heybadii iyo sharaftii ay laheyd Qowmiyadda Digilmirifle, lakiin waa uu soo buuxiyey booskiisa xilkiisina si sharaf badan ayuu u dhameystey.

Garaad Aden Nuurow xukunkiisa waxa uu ku ekaa oo uu dhintey sanadkii 1996.


Ka dib waxaa xukunka qabtey oo ilaa hada haya Garaad Ahmed Diin oo nool joogana wadankii, wuxuuna xukunka qabtey laga soo bilaabo sanadkii 1996 ilaa hada.


Waxaa iga dar-daar ah in shacbo weynaha Digilmirifle u istaagaan sidii ay u soo ceshan lahaayeen Saldanooyinkooda kala ah Saldanadii Yaarow Subuge “Goobroon” (GELEDI) Dab Cumardiin iyo Saldanadii Gasaargude Qarsin Cumardiin, labadan qof oo kala wiil iyo adeerkiisa, kala xukumi jireena min sedex Gobol oo ay kala yihiin Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Jubada Hoose “Goobroon” (Geledi), iyo Bay, Bokool, Gedo Gasaargude, labaduba waa xukunadii Digilmirifle waana gobolada hada loo yaqaan Southwest Soomaalia.

Dhulkii Saldanooyinka Digilmirifle ay xukumi jireen waa kan cagaaran.
NB: Waxaa halkan inooga dhamaadey Taariikhdii yareyd ee aan ka diyaariney Saldanadii Gasaargude, yaana la is oran halkan ayaa lagu dhameeyey taariikhdu waa ay qoto dheer tahay halkana kuma aan soo gudbin karno tanina waa bilow.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Share

Readers Comments (0)




BOQORTOOYADA LUUQ

images

TOP NEWS:- Madoobe Nuunow iyo Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo Muqdisho laga Taageray & Axmed Madoobe oo Talo ku Xumaatay

ulankan oo ahaa mid lagu taageerayay maamulka Koonfur Galbeed oo maalmo ka hor ka soo shaac baxay magaalada ...
caleemasaar25

Daawo madaxweynaha Koonfur Galbeed Dr. Madoobe Nuunow Maxamed oo baaq u diray beesha caalamka.

http://youtu.be/u5Hu2TmaJXs
caleemasaar13

: Daawo Sawirada Qaybta koowaad ee Xafladii Caleemasaarka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo kuxigeenkiisa oo maanta ka dhacday Baydhabo.

Waxaa maanta hoolka shirarka ee ADC ee magaalada Baydhabo ka dhacday xaflad si weyn loosoo agaasimayay oo lagu ...
images

DAAWO: DOORASHADII MAANTA EE MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED EE LIXDA GOBOL

http://youtu.be/vZ9vfUv0_Fc
koonfurgalbeed5

DAAWO SAWIRO QURUX BADAN DOORASHADII MADAXWEYNE KUXIGEENKA KGS MUDANE MAXAMUUD SAYID AADAN

Akhristayaal waxaan idiinsoo gudbinaynaa sawiro muujinaya codeyntii akhlabiyada ahayd ee lagu doortay shalay madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Koonfur ...
breakingnews8

TAARIIKHDA MADAXWEYNAHA MAANTA LA DOORTEY EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED EE LIXDA GOBOL

Taariikh Kooban Ee Madoobe Nuunow Magaca Madoobe Nuunow Maxamed - Ku dhashay Degmada Diinsoor 1948 - Xaas iyo Caruur A) Heerka Waxbarashada - ...
afar-irdoodka-baydhabo2

KUMAA KU GUULEYSANAYA DOORASHADA MAANTA EE MADAXWEYNANIMADA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Waxaa saakay ka bilaabanaysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay doorashada madaxweynanimo ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ...
418

DAAWO SAWIRRADA: Magaalada Baydhabo Iyo Dadkeedii oo Maanta Ku Lebistay Calanka South West State

Maanta oo Jimco ahayd badiyaana reer Baydhabo shaqooyinka ka nastaan ayaa waxaa halmar lawada arkey dhamaan magalada goobaha ...