Wednesday, May 22nd, 2013

Saldanadii Gasaargude Iyo Dejintii Mareexaan Q-4aad

Published on July 30, 2011 by   ·   No Comments Waxaa Daalacatay :417





Garaad Maadow wuxuu xukunka hayey muddo 15 sano ah, waxaa xukunka kala wareegay Garaad Adan Nuurow wuxuuna ahaa Garaadkii 2aad ee aad ula dagaalamay Booran, Ogaadeen, iyo Dagoodiye markaasi waxay isu fureen ilaa Fiilto, C/waaq, Diido Caano.

Garaad Maadow wuxuu ahaa Garaadkii muslimiyey Garemare ka dib markii ka soo noqday dagaalka, dagaalka waxaa ka qayb qaatey Reewing gaar ahaan Gasaargude, Leysaan, Hadamo, Gawaaweyn iyo Garamaro.

Dagaalka waxaa abaalgud loogu siiyey Leysaan iyada kaalinka koowaad gashey ka dib markii gacanta ku dhigtay gabadhii Garaadka oo heystay cadow garaadkuna wuxuu bixiyey hadiyadii ugu weyneyd ceelka Yurkud oo biyihiisu barakaysnaa, iyadoo Leysaantii ka codsatey in loo siiyo abaalgud, wuuna u duceeyey ducaa marqaati leh.

wuxuuna hayey muddo 33 sano ah talada wadanka wuxuuna dhintey 1857.
Waxaa xukunka qabtey Garaad Caliyow Xasanow, wuxuuna ahaa Garadkii 3aad ee ugu dagaal badnaa.

Garaad Caliyow Xasanow (Abba Malla) waa Garaadkii gaalkii la oran jirey “Kabeelow” uu dib u celiyey wuxuuna aad ula dagaalamey Itoobiya dagaal aad iyo aad u qaraar ayaa dhex marey iyagoo isu qori jirey waraaqooyin hanjabaad ah oo lagu qorey maqaar, Garaadku wuxuu ku qori jirey luqadda carabiga. Ka dib markuu heshiis la galey Talyaaniga, wuxuuna la galey balanqaad talyaaniga in uusan soo fara gashan boqortooyada Gasaargude iyo arimaha Reewing (Raxweyn) isaga oo uu ogolaadey Talyaaniga balantiisa Abba Malla, wuxuuna bixiyey canshuur isaga iyo askartiisa iney soo degaan Luuq lana siiyo meel ay degaan wuuna ka ogolaadey Abba Malla asagoo doonayey in uu la kaashado dagaalkii Itoobiya oo uu kula jirey Talyaaniga.

wuxuuna bilaabay inuu u qoro Taariikhdii boqortooyada Gasaargude markii uu la yaabay habka ismaamulka boqortooyada iyo kala dambeyntooda “Uko Frabdi “ wuxuu ka qorey markay taariikhdu ahayd 1858, waxaad ka heleysaa Museum, museyamyada Talyaaniga gaar ahaan meesha taariikhda Afrika, gaar ahaan mida Luuq, Talyaanigu wuxuu gacan ka siiyey dagaalkii Itoobiya (boqor Mililik), Abba Malle wuxuu hayey muddo 40 sano ah xukunka, cimrigiisuna wuxuu ahaa 93 sano.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Share

Readers Comments (0)




BOQORTOOYADA LUUQ

madaxweyne

gabaygii madaxwayne xasan shiikh maxamud oo dhamaystiran .hawiye iyo Darood dagaal miyaa soo socdo.

http://youtu.be/FMtrxhpf6A0
shacabka shabeelada

Shacabka Shabeelada hooose oo soo dhoweeyey.

Hambalyo Jubbaland State!..Ceeb Caleykum Dowladda Xasan Shiikh! Markacadeey.net Gabayga yeeraaya, Guuxaan Baxaaya Iyo Gurbaankaan Ow Axmed Madoowaa Lagu Guurihaayee, Aa lagu Guurihaayee! Jubbaland ...
igad

Wefdi sare oo ay hogaaminayaan Xoghayaha guud ee ururka IGAD, Jen Gabre iyo Safiirada dalalka ku bahoobay IGAD oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa saaka caasimada dalka Soomaaliya ee muqdisho soo gaaray wafdi kasocday urur goboleedka IGAD waxaana hogaaminyay Maxbuub Macalin ...
breakin news 5

WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNIHII 5aad EE JUBALAND OO GALABTA NOQDEY NIN KA SOO JEEDA DIGIL IYO MIRIFLE

Degmada Afmidow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa manta gelinkii dambe waxaa mar kale loogu dhawaaqey Madaxweynihii 5aad ee ...
heerow

DHAGAYSO: Pro Heerow: Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale Asal ahaan ma ahan Reer Kismaayo ee..

Mudo yar kadib markii magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Madoobe loona dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland sidoo kalana Barre Hiiraale ...
Baydhabo4

Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya goordhow halkaasi inuu ka dhacay Qarax xooggan ...
ganaane3

MADAXWEYNIHII GANAANE STATE OO MARKALE LAGU CALEEMA SAAREY BAYDHABO MAANTA

Madaxweynaha Ganaane State Nuur Maxamed Macalin ayaa caawa mar kale loo caleema saarey Baydhabo Inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ...
sunah

War deg deg ah: Dhagayso:- Xoghaya Ahlusunna “Kismaayo Digil iyo Miriflaa iska leh, Shirkana kuma jiran

Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere Xoghaya Ururka Ahlusunna ee gobolada  Koonfureed ayaa sheegay shirka ka soconaya Magaalada Kismaayo inuu ...