Garaad Maadow wuxuu xukunka hayey muddo 15 sano ah, waxaa xukunka kala wareegay Garaad Adan Nuurow wuxuuna ahaa Garaadkii 2aad ee aad ula dagaalamay Booran, Ogaadeen, iyo Dagoodiye markaasi waxay isu fureen ilaa Fiilto, C/waaq, Diido Caano.
Garaad Maadow wuxuu ahaa Garaadkii muslimiyey Garemare ka dib markii ka soo noqday dagaalka, dagaalka waxaa ka qayb qaatey Reewing gaar ahaan Gasaargude, Leysaan, Hadamo, Gawaaweyn iyo Garamaro.
Dagaalka waxaa abaalgud loogu siiyey Leysaan iyada kaalinka koowaad gashey ka dib markii gacanta ku dhigtay gabadhii Garaadka oo heystay cadow garaadkuna wuxuu bixiyey hadiyadii ugu weyneyd ceelka Yurkud oo biyihiisu barakaysnaa, iyadoo Leysaantii ka codsatey in loo siiyo abaalgud, wuuna u duceeyey ducaa marqaati leh.
wuxuuna hayey muddo 33 sano ah talada wadanka wuxuuna dhintey 1857.
Waxaa xukunka qabtey Garaad Caliyow Xasanow, wuxuuna ahaa Garadkii 3aad ee ugu dagaal badnaa.
Garaad Caliyow Xasanow (Abba Malla) waa Garaadkii gaalkii la oran jirey “Kabeelow” uu dib u celiyey wuxuuna aad ula dagaalamey Itoobiya dagaal aad iyo aad u qaraar ayaa dhex marey iyagoo isu qori jirey waraaqooyin hanjabaad ah oo lagu qorey maqaar, Garaadku wuxuu ku qori jirey luqadda carabiga. Ka dib markuu heshiis la galey Talyaaniga, wuxuuna la galey balanqaad talyaaniga in uusan soo fara gashan boqortooyada Gasaargude iyo arimaha Reewing (Raxweyn) isaga oo uu ogolaadey Talyaaniga balantiisa Abba Malla, wuxuuna bixiyey canshuur isaga iyo askartiisa iney soo degaan Luuq lana siiyo meel ay degaan wuuna ka ogolaadey Abba Malla asagoo doonayey in uu la kaashado dagaalkii Itoobiya oo uu kula jirey Talyaaniga.
wuxuuna bilaabay inuu u qoro Taariikhdii boqortooyada Gasaargude markii uu la yaabay habka ismaamulka boqortooyada iyo kala dambeyntooda “Uko Frabdi “ wuxuu ka qorey markay taariikhdu ahayd 1858, waxaad ka heleysaa Museum, museyamyada Talyaaniga gaar ahaan meesha taariikhda Afrika, gaar ahaan mida Luuq, Talyaanigu wuxuu gacan ka siiyey dagaalkii Itoobiya (boqor Mililik), Abba Malle wuxuu hayey muddo 40 sano ah xukunka, cimrigiisuna wuxuu ahaa 93 sano.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com