Wednesday, May 22nd, 2013

Saldanadii Gasaargude Iyo Dejintii Mareexaan Q-3aad

Published on July 25, 2011 by   ·   No Comments Waxaa Daalacatay :352

Markaa ka dib Garaadka wuxuu isugu yeeray dadkii dalka deganaa kuwaas oo kala ahaa:-

1- Gasaargude
2- Waaqdhoore
3- Gawaaweyn
4- Gare
5- Booran, Sagaal iyo Sideed, iyo wixii meelaha ka dhowaa.

Markii dadka la isugu yeeray dhamaantooda way diideen , khilaaf weyn ayaa ka dhex dhacay markii dambe Garaadku wuxuu yiri dadka waa dad islaam ah oo u dhashey Daarood Ismaciil dad xun ma aha waan is weheshaneynaa waxaa suurta gal in beri wax taraan.
Dadkii dalka degenaa ayaa waxay yiraahdeen dadkan sidii Bari loogu soo kiciyey ayey noo kicin doonaan intey soo bataan ee Garaadow ka fiirso arintan, Garaad Maadow wuu ka diiday taladooda wuxuuna yiri waan dejinayaa.

Markaa Gawaaweyn waxay tiri: Hiladan ka cabayo yuusan iman maadaama ay siifka ay quudaneysey.

Waaqdhoore wuxuu yiri Gawaaweyn ayaan ku raacsanahay, Booran waxay tiri dadkan qorax ka soo bax ayey ka yimaadeen meeshooda halagu celiyo.

Garre wuxuu yiri nimankan afarta ah labo gayb ha laga dhigo Bay iyo Gedo haloo kala tuuro, kii soo noqdana hala dilo hadii kale way soo noqonayaan.

Gaasaargude ariinta waa ka aamusay, ka dibna Garaadkii wuu xanaaqay wuuna habaaray qabaa’iladii oo dhan wuxuu yiri niman yahow Mareeaxaan cahdi weyn ayaan kala qaadaneynaa, balan iyo dhaar ayaan kala qaadaneynaa haduu nooga baxo arintaas (balantaas), haduu ruux degan Gedo warankiisa u qaato ama dagaal aan ku wado tashanin masiibo dhexdiisa ayey ka ku dhacaysaa oo Gedo ka ka ciso, haddii owlaadeyda ku soo laabto oo dhib u geysto ama ka oohiyo ama dilo ama sharafta dalka ku leeyihiin ka qaado Inshaa Allaah Mareexaan Gedo wax ka kiciyo ayuu arkayaa, idinkana kuwii qoolkeyga jebiya ha noqonina.

Aniga igu fiiriya waa yahay isaga oo been u maleynayey, Booran waxaad tiri qorax ka soo ha lagu celiyo inshaa Allaah qorraxda meesha ay ku dhacdo Allaah ha ku geeyo.

Garre waxaad tiri laba gabal halaga dhigo Insha Allaah labo Garre oo aan is af aqoon Allaah ha kaa dhigo.

Gawaaweyn waxaad tiri webigeyga yuu iman webiga jiinkiisa ayaan kugu ogahay.
Waaqdhoore waxaan kaa dhigay kabka Gawaaweyn, Gasaargude arinta waad ka aamustay inaad caddeyso ee arintaada laba cidaad geri la isku dhuftey ayaan ka dhigay.

Mareexaan Inshaa Allaah Gedo adigaan kuu dhiibay ciidankii Gedo cadowga ka ilaalin lahaa adigaan kaa dhigay, biyo ayaa kaaga soo baxaya.

Maalintaad owlaadeyda ku soo noqotid ayaa laguu yaabaa. waxaana istaagay “Axmed Aadan Rooble ” Reer Xasan ahaa wuxuu yiri ‘ Garaadow waan ogolaaney gudoonkaaga waan kaa qaadney waxaan ku faraxsanahay balantaas iyada ah, cahdigaaga haddii aan ka baxno Allaah habaarkiisa iyo kaagaba Allaah ha nagu rido.
Intaa ka dib waxaa istaagay “Khaliif  Foqo Xasan” oo la taliyo ah wuxuu yiri: waxaa noo dhaar ah noo balan ah cahdigii adiga iyo anaga wada galnay in aan la jebinin, labadii nin ee la socdeyna waxay yiraahdeen kuwaas ayaan ku raacsanahay.

Garaad Maadow wuxuu ku dardaarmay sidii aan kor ku soo xusnay, balantii u taaley Mareexaan iyo Gasaargude. Waana tay yiraahdeen Mareexaan, “Gasaargude waa Gob Raxaweyn” jaceylna uma orane dantooda ayaa aheyd.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Share

Readers Comments (0)




BOQORTOOYADA LUUQ

madaxweyne

gabaygii madaxwayne xasan shiikh maxamud oo dhamaystiran .hawiye iyo Darood dagaal miyaa soo socdo.

http://youtu.be/FMtrxhpf6A0
shacabka shabeelada

Shacabka Shabeelada hooose oo soo dhoweeyey.

Hambalyo Jubbaland State!..Ceeb Caleykum Dowladda Xasan Shiikh! Markacadeey.net Gabayga yeeraaya, Guuxaan Baxaaya Iyo Gurbaankaan Ow Axmed Madoowaa Lagu Guurihaayee, Aa lagu Guurihaayee! Jubbaland ...
igad

Wefdi sare oo ay hogaaminayaan Xoghayaha guud ee ururka IGAD, Jen Gabre iyo Safiirada dalalka ku bahoobay IGAD oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa saaka caasimada dalka Soomaaliya ee muqdisho soo gaaray wafdi kasocday urur goboleedka IGAD waxaana hogaaminyay Maxbuub Macalin ...
breakin news 5

WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNIHII 5aad EE JUBALAND OO GALABTA NOQDEY NIN KA SOO JEEDA DIGIL IYO MIRIFLE

Degmada Afmidow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa manta gelinkii dambe waxaa mar kale loogu dhawaaqey Madaxweynihii 5aad ee ...
heerow

DHAGAYSO: Pro Heerow: Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale Asal ahaan ma ahan Reer Kismaayo ee..

Mudo yar kadib markii magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Madoobe loona dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland sidoo kalana Barre Hiiraale ...
Baydhabo4

Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya goordhow halkaasi inuu ka dhacay Qarax xooggan ...
ganaane3

MADAXWEYNIHII GANAANE STATE OO MARKALE LAGU CALEEMA SAAREY BAYDHABO MAANTA

Madaxweynaha Ganaane State Nuur Maxamed Macalin ayaa caawa mar kale loo caleema saarey Baydhabo Inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ...
sunah

War deg deg ah: Dhagayso:- Xoghaya Ahlusunna “Kismaayo Digil iyo Miriflaa iska leh, Shirkana kuma jiran

Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere Xoghaya Ururka Ahlusunna ee gobolada  Koonfureed ayaa sheegay shirka ka soconaya Magaalada Kismaayo inuu ...