Saldanooyinkii Caruurtii Garaad Khalaf.
Caruurtii Garaadka xilalka boqortooyada waxay u kala qabteen sida tan:-
wiilkiisii ugu weynaa ee Garaad Liibaan ayaa ugu horeeyey wuxuuna hayey boqortanimada intii u dhaxaysey miilaadiyada 1435- 1470, hijriyadana 855-890.
Wuxuuna ku socdey xukunkii aabihiis oo ahaa DigilMirifle uu ugu garqaadi jirey degmada Luuq.
Garaad Liibaan wuxuu dhintey 1469 miilaadiyada, ka hor waxaa dhintey walaalkiisa Garaad Aamin 1462dii, ka dibna waxaa xukunkii qabtey garaadkii 3aad Garaad Keer, isaguna wuxuu hayey intii u dhaxaysey 1469-1501, wuxuuna fulin jirey xukunkii walaalkiis wuxuuna dhintey Garaad Keer 1501 Miilaadiyada.
Ka dib markuu dhintey walaalkiis Garaad Maamow 1490, ka dibna waxaa la wareegey Garaadkii 5aad Umurow wuxuuna qabtey 1493 wuxuuna hayey muddo 29 sano ah.
Garaad Maamow wuxuu xukunka qabtey 1508dii, waana garaadkii 6aad Ee uu dhalay Garaad Kalaf wuxuu u xukumi jirey sidii walaalihiis, wuxuuna hayey muddo 28 sano ah asagaa ugu yaraa caruurta , wuxuuna dhintey sanadka markuu ahaa 1536 miilaadiyada, waxaana la wareegay wiilkii ugu weynaa Garaadka caruurtiisa oo la aran jirey Garaad Suubow Amin.
wuxuu ahaa garaadkii ugu adkaa garaadada uguna dagaal badnaa, wuxuuna la dagaalami jirey Booran iyo Ajuuraan wuxuuna xukunkiisa gaarey ilaa Filta, Ceelwaaq.
Garaad Suubow wuxuu xukunka ama talada hayey muddo 30 sano, wuxuuna dhintey 1566 Miilaadiyada.
Ka dib waxaa la wareegay Garaad Hilowle Garaad Maamow, wuxuuna boqortanimada hayey muddo 28 sano ah, wuxuuna dhintey 1564.
kadibna waxaa la wareegey Garaad Dhurow wuxuuna hayey 33 sano wuxuuna dhintey 1597.
ka dibna waxaa la wareegey Garaad Dhurow Max’ed Amin asagana wuxuu fulinayey sidii Garaadadii isaga ka horeeyey wuxuuna u garqaadi jirey DigilMirifle, wuxuuna hayey muddo 29 sano, wuxuuna dhintey 1626.
Ka dibna waxaa la wareegey Garaad Aadan wuxuuna hayey muddo 28 sano, wuxuuna dhintey 1654.
waxaana la wareegey Garaad Nuurey wuxuuna hayey muddo 26 sano, wuxuuna dhintay 1680.
Ka dibna waxaa la wareegey Garaad Cabdiyow wuxuuna hayey muddo 36 sano, wuxuuna dhintay 1716.
waxaa la wareegay Garaad Gaabow wuxuuna hayey muddo 27 sano ah wuxuuna dhintay 1743.
ka dibna waxaa la wareegay Garaad Haafow, wuxuuna hayey muddo 29 sano ah wuxuu dhintay 1809.
ka dib waxaa la wareegay Garaad Maadow Haafow wuxuuna ahaa ninkii u ogolaadey in beesha Mareexaan wadanka ay soo gasho ka dib markii ay soo galeen magantiisa oo ah sariirtiisa hoosteeda ayagoo ka soo cararey col iyo abaar.
Markii ay galayeen sariirta garaadka hoosteeda, Garaadku waa uu maqnaa, waxaana joogay maamulka intiisa kale, markey u diideen in ay qaabilaan oo ay soo dhaweeyaan ayaa waxay galeen sariirta Garaadka hoosteeda, markii ayaa Garaadka fariin loo direy si loogu sheego waxa dhacey, markaas ayuu ku soo laabtey magaaladii Luuq, waxayna sariirta Garaadka hoosteeda ku jireen Sedex Maalmood markaas ayuu kuyiri ka soo baxa muraadkiinana sheegta waa la idin yeelayaaye.
Garaadka waxay weydiisteen in ay soo degaan Gobalka Gedo ayaga iyo dadkii ka dambeeyey, maadaama aysan haysan meel ay u noqdaan.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com