Wednesday, August 20th, 2014

Eng Saalax Sh. Cismaan oo dhexda u xirtay soo dhicinta xaqa beesha Digil iyo Mirifle.

Published on February 12, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Daalacatay :182

Madaxa Hay’adda Peace and Development Research “PDR” Eng Saalax Sh. Cismaan ayaa dhexda u xirtay sidii uu usoo dhicin lahaa xaqa ka maqan beesha Dulman ee Digil iyo Mirifle.

Kulan dhowaan ka dhacay magaalada London ee Dalka UK uuna soo qaban qaabiyey wasiirka Dowladda Britain ugu qaabilsan arrimaha Afrika Henry Bellingham ayaa lagaga hadlay shirka dhowaan ka dhici doono magaalada London, iyadoo Jaaliyadda Soomaalida la siiyey in ay fikirkooda ku aadan shirkaasi dhiibtaan.

Eng Saaalax Sh. Cismaan oo ka mid ahaa ragii madashaasi xaadiray ayaa si geesinimo leh ugu sheegay wasiirka Britain in aan laga dhigin ergada shirka ka qeyb galeyso saxiixayaasha qorshaha Road Map, waxaana uu sheegay in qorshaha Road Map-ka ay saxiixeen beelo gaar ah oo aan loo wada dhameyn.

Eng Saalax ayaa xusay in beesha Digil iyo Mirifle aan cidna u saxiixin qorshaha Road Map-ka, isagoo Dowladda Ingiriiska uga digay in ay ku kadsoomaan qorshaha Road Map-ka oo ay wataan beelo gaar ah.

Eng Saalax ayaa shalay lagu marti qaaday barnaamijka Falanqeynta Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, waxaana laga doodayey shirka dhowaan ka dhici doono London.

Eng Saalax ayaa sidii si la mid ah ugu celiyey in haddii la doonaya nabad waarta la helo, shirka la isugu keeno dhamaan beelaha Soomaaliyeed, isagoo sheegay in beelaha dulman ee Digil iyo Mirifle degana lixda gobol ugu barwaaqeysan Soomaaliya laga siyo kaalintooda haddii kalena aan shirka kasoo bixi doonin wax natiijo ah.

Prof Jurriile oo ah xildhibaan ka mid ah barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, jagooyin badana horey u soo qabtay ayaa isna barnaamijka falanqeynta ragii lagu marti qaaday ka mid ahaa, wuxuuna dhaliilay sida geesinimada leh Eng Saalax uu ugu hadlay kulankii lala yeeshay Wasiirka Dowladda Britain ugu qaabilsan arrimaha Afrika, isagoo sheegay in aan meesha loo tagin in la is dacweeeyo.

Juriille iyo raga la mid ah ayaa u bartay in ay waxay rabaan u sheegaan dowladaha shirarka u qabto Soomaaliya, iyadoo kolkan Eng Saalax uu ku noqday laf dhuun gashi.

Madaxa Hay’adda Peace and Development Research Eng Saalax Sh. Cismaan ayaa ah shakhsiga kaliya oo Digil iyo Mirifle ah oo ka damqaday abaartii ku dhufatay dadka Soomaaliya gaar ahaan lixda gobol ay degaan beesha Digil iyo Mirifle, wuxuuna ka tagay Yurub isagoo cagta soo mariyey lixda gobol, dadka dhibaateysana gaarsiiyey gargaar, iyadoo mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle ugu jira Dowladda KMG ah ay booqan waayeen xerooyinka ku yaala magaalada Muqdisho oo maalin kasta lagu dhibaateynayey daka barakacayaasha.

Eng Saalax ayaa sidoo kale ah shakhsiga si adag uga hadlay kufsiga xerooyinka barakacayaasha loogu geystay dumarka kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, isagoo si cad aan ganbasho laheen u eedeeyey ragii ka dambeeyey falalkaas wuxuushnimada ah.

Ugu dambeyn, Eng Saalax ayaa ah ninka markuu ka hadlayo warbaahinta adeegsada ereyga lixda gobol, iyadoo siyaasiyiin badan oo ku abtirsada beesha Digil iyo Mirifle ay ku celceliyaan gobolladda Baay iyo Bakool marka laga yimaado Allah u naxriistee Prof C/lle Deerow Isaaq.

Share

Readers Comments (0)




BOQORTOOYADA LUUQ

images

TOP NEWS:- Madoobe Nuunow iyo Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo Muqdisho laga Taageray & Axmed Madoobe oo Talo ku Xumaatay

ulankan oo ahaa mid lagu taageerayay maamulka Koonfur Galbeed oo maalmo ka hor ka soo shaac baxay magaalada ...
caleemasaar25

Daawo madaxweynaha Koonfur Galbeed Dr. Madoobe Nuunow Maxamed oo baaq u diray beesha caalamka.

http://youtu.be/u5Hu2TmaJXs
caleemasaar13

: Daawo Sawirada Qaybta koowaad ee Xafladii Caleemasaarka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo kuxigeenkiisa oo maanta ka dhacday Baydhabo.

Waxaa maanta hoolka shirarka ee ADC ee magaalada Baydhabo ka dhacday xaflad si weyn loosoo agaasimayay oo lagu ...
images

DAAWO: DOORASHADII MAANTA EE MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED EE LIXDA GOBOL

http://youtu.be/vZ9vfUv0_Fc
koonfurgalbeed5

DAAWO SAWIRO QURUX BADAN DOORASHADII MADAXWEYNE KUXIGEENKA KGS MUDANE MAXAMUUD SAYID AADAN

Akhristayaal waxaan idiinsoo gudbinaynaa sawiro muujinaya codeyntii akhlabiyada ahayd ee lagu doortay shalay madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Koonfur ...
breakingnews8

TAARIIKHDA MADAXWEYNAHA MAANTA LA DOORTEY EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED EE LIXDA GOBOL

Taariikh Kooban Ee Madoobe Nuunow Magaca Madoobe Nuunow Maxamed - Ku dhashay Degmada Diinsoor 1948 - Xaas iyo Caruur A) Heerka Waxbarashada - ...
afar-irdoodka-baydhabo2

KUMAA KU GUULEYSANAYA DOORASHADA MAANTA EE MADAXWEYNANIMADA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Waxaa saakay ka bilaabanaysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay doorashada madaxweynanimo ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ...
418

DAAWO SAWIRRADA: Magaalada Baydhabo Iyo Dadkeedii oo Maanta Ku Lebistay Calanka South West State

Maanta oo Jimco ahayd badiyaana reer Baydhabo shaqooyinka ka nastaan ayaa waxaa halmar lawada arkey dhamaan magalada goobaha ...